src="http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js">

Adolf Hitler Hogaamiyahii hore ee Dalka Jarmalka ayaa xiligii uu qabsanayey dalal badan oo reer yurub ah baa beri lagu yiri dadkii ugu doqonsanaa uguna xumaa xaga damiirka ee aad la kulantay waa kuwee?

"Waxuu yiri waa kuwo daba dhilifyo ahaa oo anigoo wadankooda ku duulayo igu caawiyay burburintiisa garabna igu siiyay qabsashadiisa". 
Hitler kuwaa uu sheegayo ee Daba dhilifyada ah ee Ajnabiga uu ku adeegto raalina ka ah in dalkooda hooyo lagu bur buriyo waxaa waqtigan hormuud u ah siyaasiyiintii fashilmay ee Badda Soomaaliya iibsaday iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ama hogaamiye kooxeedyada cusub loogu yeero.
Hadaba marka aan usoo daadego dulucda qormadan sida la ogyahay waxaa Magaalada Kismaayo shir uu uga socdaa Madaxda Maamul goboleedyada waxaana ujeedooyinka shirkaas iyo waxa uu daaran yahay si aan xogo dheeri ah uga helo aan la xiriirey qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu si dhaw ula socda shirkaas qabashadiisa waxaana ay ii xaqiijiyeen in shirkaas dabada ay ka riixeyso dhaqaalena ay ku bixisay dawladda Imaaraadka Carabta. 
Xildhibaanada arintan ii xaqiijiyey waxa ay ka mid yahiin mudanayaashii dhawaan mooshin ka gudbiyey Imaaraadka Carabta oo ay ku eedeeyeen in ay fara gelin ku hayso siyaasada arimaha gudaha ee Soomaaliya.

Waxaa la yiraahdaa taariikhda waxaa laga bartaa taxanaha isdaba jooga ee dunidu soo martay waxayna kala huftaa Geesiga iyo Fuleyga Halyeeyga iyo Habacsanaha, Deeqsiga iyo Baqaylka, Waddaniga iyo Qaa'inka.
Sida la ogyahay Soomaaliya intii ka dambeysay bur burka dawladdii hore waxaa meel walba oo ciida soomaaliyeed ah buux dhaafiyey Madax Daba Dhilifyo iyo Jawaasiis ay ku adeegtaan cadawyada faraha badan ee Soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo haatan kusoo biirtey. 
Dabadhilif iyo Jaasuus marka qeexitaan lagu sameeyo qadiyadoodu waxa ay ku xiran tahay waa qadada,xoogaga shilimaadka ah iyo jago been ah oo la siinayo iyagoo waxyaabahas aan micnaha weyn laheyn ku iibsanaya ama ku bedalanaya bur burinta Diintooda,Dadkooda iyo Dalkooda.
Taariikhdu iyadaa is qorta, ruux waliba waxaa lagu qori doonaa labada Buug midka madow ama midka cad midkood iyadoo geesiyada wadaniga ah had iyo jeer lagu qoro "Buuga Dahabka ah" ee Alle uu la doonay kuwa xaqa u dagaalama duligana aanan aqbalin, difaacana diintooda, dadkooda iyo dalkooda, cidna aanan uga haybaysan rabitaanka shacabkooda, cadowgana aan ka baqin ee iska celiya.
kuwaas oo dhab ahaantii aduunkana Sharaf,Cisi iyo Karaama ku noolaada, Aakhirana baraare iyo ku waara Janatul Fardowsa,ummadda ka dambeeysa ee ku abtirsatana ay ku naaloodaan sharaftii iyo karaamadii ay u soo hooyeen dadkooda iyo dalkooda.
Dhinaca kalena waxaa jira adeegayaal daba dhilifyo ah oo gumeysiga uu ku shaqeysto, ma damqadayaal xariga gumeystaha uu ku dabayo walaalkood soo diyaariya kuwaasna ummaddu waxa ay ku qortaa "Buuga Madow" iyagoo damiir laawayaashaas gumeysiga uu ku shaqeysanayo inta ay nool yahiin oo dunida ay joogaan waxay ku noolanayaan Sharaf daro, Uur ku taalo,Dhag xumi taariikhda u gasha iyo dulinimo ay ku dambeeyaan waxaana magac xumidaas ay xitaa dhaawaceysaa oo bar madow ku noqoneysaa caruurtooda iyo eheladooda.
Ugu dambayntii dadka wadaniyiinta Soomaaliyeed ee sida xooga leh u diidan fara gelinta shisheeyaha ayaa marka ay qiimeeyeen shirka ka socda Magaalada Kismaayo oo ah mid duulaan ku ah qaranimada soomaaliyeed waxa ay yiraahdeen  shar gudban shaydaan xijaaban.

Waxaa Qorey: Abdulahi Nur Colombo