src="http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js">

DR. CALI CUSMAAN: "OLYMPIAN SMITH

& CARLOS OO GILGILAY OLYMPIC 1968" + SAWIRRO

 


Tartankii Olympigadda ee lagu qabtay dalka Mexico sanadku markuu ahaa 1968 ayaa Ciyaaryahanaddii ka soo jeeday Dalka Mareykanka gaar ahaan Qawmiyadda Madaw  oo kala ahaa Tommy Smith iyo John Carlos waxa looga yeeray halka lagu bixiyo Biladaha, waxayna halkii tageen iyagoo ay gacmaha ugu jiraan gacan gashi(Gloves)  madaw iyagoo kor u taagay gacmahooda taa oo aheyd fal ay ku diidan yihiin qaabka loola dhaqmo Bulshadda Madaw ee Mareykanka,ficilkaas gacan taagida waxay socotay inta ay ka dhamaato Musiqadii Astanta u aheyd Dalka mareykanka,sidoo kale Ciyaaryahanadda Tommy Smith,Peter Norman oo Autralia u dhasha iyo John Carlos  waxa qorta ay ku siteen calaamad muujineysay qiimaha Xuquuqda Aadanaha
Subaxnimaddi ay Taarikhdu aheyd 16 October 1968 Ciyaartoyda ka tirsaneyd Xulka Ciyaarha Fudud ee dalka Mareykanka ayaa waxay ku guuleysteen Biladaha Dahabka ah iyo Maarta  ee 200MT, waxayna kala ahaayeen Tommy Smith oo ku guuleystaya Kaalinta Kowaad kuna orday 19.83 Seken iyo Peter Norman oo australia u dhashay oo kaalinta labaad ku guuleystay kuna orday 20.06 seken iyo John Carlos oo kaalinta sedexaad galay kuna orday 20.10seken,ka dib markii uu dhamaaday tartankii ayaa loo dhaqaaqay halkii biladaha logu bixin lahaa,waxaana biladahaasi diyaar u ahaa in uu bixiyo DAVID CECIL oo ka mid ahaa qoyska ugu sareyo Dalka Mexico,waxaase Ciyaartoydii ka socotay Dalka Mareykanka oo kaalinta Kowaad iyo Kaalinta Sedexaad galay gudoomeen Biladihii iyagoo kabo la'aan ah laakiin qaba iskaalso Madow taa oo lagu muujinaayey saboolnimadda qawmiyadaha Madaw ee Mareykanka,waxa sidoo kale qorta ku soo xirtay maro madaw Ciyaaryahan Smith oo uu ku cadeynaayey qab weynida Dadka madaw, ee Mareykanka ku nool wallow aysan helin xuquuqdooda,sidoo kale Cayaaryahan John Carlos isna soo qaatay calaamad lagu taageeraayo shaqaalaha ka soo jeeda qawmiyadda madaw si uu ugu muujiyo in ay garab taagan yihiin, sidoo kale waxa uu watay qor gashi lagu taageeraayo kuwa sida sharci daradda loo daldalay ama loo dilay oo maanta ayan jirin cid u barooraneysa,sida kale kuwa xuquuqdooda lagu tuntay, waxaana aan hubaa in ay tahay dhacdadaas midda taarikhda Olimpigadda hadal heynteeda aan waligeed istaageenin.
Gudoomiyaha Gudiga Olimpigadda Addunka oo magaciisa la yiraahdo AVERY BRUNDAGE oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxa uu u arkay dhacdadaas in ay tahay mid aan mudneyn in la keeno tartamadda Olimpigadda,waxaana uu sheegay in ay ka soo horjeedo aragtiyadda ay Olimpikada ku qotonto,mana aha arrimaha Gudaha dalka mareykanka yaalo in la keeno meelo sidaan oo kale ah oo ay ku kulansan yihiin addunka oo idil,waxaana uu amray in Ciyaaryahanadda Tommy Smith iyo John Carlos laga saaro xeradda Olimpigadda(Olympic Village),waxaana arrintaa diiday Guddiga Olimpigada Mareykanka oo hogaaminaayey Ciyaartoydii ka socotay Dalka mareykanka, laakiin Gudoomiyihii Guddiga Olimpigadda caalamka ayaa waxa uu u sheegay Madaxda Olimpigadda Mareykanka in uu Ciyaartoyda Mareykanka oo idil uu ka saari doono xeradda Olimpigadda haddi aysan ka saarin Labada Ciyaaroy,halkiina ayaa looga saaray Xeradii Olimpigadda oo hoy u aheyd Ciyaartoyda addunka oo idil..
Afhayeenka Guddiga Olimpigadda addunka ee waagaas ayaa shir jaraa;id uu qabtay waxa uu sheegay in ficiladda ay ku kaceen Mr. Smith iyo Carlos aysan meelna uga jirin dastuurka Guddiga Olimpigada Caalamka,waxayna ku habooneyd in ay xushmeeyaan dastuurkooda iyo xusmadda IOC oo soo jireenka aheyd,dhanka kale Gudoomiyaha IOC ee waagaas Mr. AVERY BRUNDAGE waxa sida taarikhda laga soo wariyey uu ahaa Gudoomiyaha Guddiga Olimpigadda ee Dalka mareykanka sanadku markuu ahaa 1936 oo tartanka Olimpigadda lagu qabtay dalka Jarmalka,waxaana lagu xantaa in uu dabac u muujiyey markii keligii taliyahii xukumaayey Jarmalka ADLFO HITLER iyo shacabkii reer Jarmal ay dadkii ku salaameen astaanta gaar u aheyd dawladda Jarmalka oo uu horkacaayey HITLER, isagoo waa Mr. AVERY gudoomiyaha Olimpigadda USA sheegay in ay salaantaasi aheyd mid caadi ah oo la aqbali karo,laakiin middi lagu daafacaayey dadka dhibaateysan ee Mareynka Madaw ay tahay mid aan la qaadan karin.
Halyeeyadii Tommy Smith iyo John Carlos waxa laga faquuqay dhaman Ciyaaraha dalka Mareykanka,waxa wada cambaareeyey wargeysyadda ugu afka dheer ee ka faalooda Ciyaaraha Mareykanka ..... wargeyska la yiraahdo TIME MAGAZINE ayaa waxa uu soo bandhigay shanta garanrir ee Olimpigada, isagoo sii raaciyey in ay haboontahay in la raaco nuxurka ay ku fadhiyaan caalamadaha shanta ah ee Olimpigadda ,waxa inta u dheereed iyadoo lagu xadgudbaayo iyo iyaga iyo qoyskooda oo lagu cabsi gelinaayo in la dilaayo...
Mr. Peter Norman oo u dhashay Australia kaalinta labaadna galay ayaa waxa uu u muujiyey saaxiibadii ay wada tartamayeen in uu arrinta xaqa ah oo ay wadaan kuna taageerayaan qawmiyadda Madaw uu ku garab taaganyahay,taa waxa uu kala kulmay in laga faquuqo Wargeysyada iyo Telefishinadda Isboortiga ka faalooda,waxaana loo diiday in uu mar kale uu ka qeyb galo tartan Olimpig ah ,waxaana uu geeriyooday sanadku markuu ahaa 2006 waxaana aaskiisii ka qeyb galaya saaxibadii Toommy Smith iyo John carlos.
Ugu dambeyntii ficiladda ay sameeyeen labaas halyeeyo waxa weeyo mid illa hadda la xusuusto eyna doonaayeen in diiradda la saaro aragtida Olimpigadda oo ah in la dhawro horumarinta ban;aadamka, lana dhawro xuquuqdo uu qof kastaba  leeyahay,iyadoo la bartilmaamedsanaayo qodobadda hoos ku qoran. 1)Hoy in loo helo kuwa hoy la;aanta ah 2)In la quudiyo kuwa baahan 3)In la daweeyo kuwa xanuusan 4 )In la xoreeyo kuwa la gumeysto 5)In aan qofna lagu faquuqin midabkiisa 6)In la joojiyo Dagaalka iyo is dilka 7)In nabadda la dhaliyo iyadoo la xambaarsanyahay SHUCLADDA OLIMPIGADA.
Diyaariye. Dr. Cali Cusmaan Cali