src="http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js">
 
Dilaa aan damiir la hayn iyo duul dill ku xukuman
Dhiiga dadka Soomaaliyeed waa u bannaan yahay cid kasta oo waa dhiig ay daadin karaan dhamaan kuwa isku haysta Soomaaliya, kan dilaya iyo kan ka dhicinaya labbaduba wey dilaan cid udoodana lama hayo.

Askarigga dowlada dadweynaha wuu dilaa, AMISOM dadka wey dishaa, Al shabab-na dadka weydilaan, duul qarsoon oo wax dillanna waa jiraan. Kan ku dilaya kan kaa dhicinaya labaduba waxay isku dilaan si aan dadka loo dillin. laakin hadiiba ugu dambeyn dadka iyagu dilayaan maxay isku dilayeen ? 

ALSHABAB innagu dadka waa dilnaa waxaan u dileynaya waa diinta ayay kabaxeen, dagaalka wuxuu nagala dhaxeeyaa kuwa dalka ku soo duulay ee dowlada taageeraya iyo ridada dowlada katirsan. Masaajidkaan kudilnaa, dariiqaan kudilnaa, dagaalkaan ku dilnaa, gaari dadweyne ayaan ku dilnaa. Dilkuna wuu soconayaa inta qof la dilaahi dil u baahanyahay.

CIIDAMADA DOWLADDA innaga dadka aan dilnaahi waa kuwo shabaab ah ama u eg, waa kuwo dhalinyar oo aan is leenahay waa shabab, dadka aan dilno ma’ahan kuwa aan ugu kaseynay waxaa ugu badan kuwo dariiq nooxiran ku soo dhacay nalka dami inta aanu daminna xabadi nooga fakatay. Mid isku adkeeyay mobile faraqa ugujiray oo inta soo bixi layiri gacanta markuu la’aaday la mooday inuu bastoolad la soo baxayo oo dabka la saaray, ogoow haday si edeb leh mobilka dadku isaga dhiibaan innagu dadka madilneen.

AMISOM innagu dadka ma dilno,ee waa gar gaarnaa kuwa dilaya ayaan ka dhicinaa, laakin ciladu waa askarta qaar oo aan darawalo fiican ahayn, waxay dardaraan dadka kaaga daran baabuurta qaar bareeg malaha, mana istaagaan ilaa xerada ay ka tagaan. Askarta qaar wey fara fududyihiin oo waa ciidamo Jabhado ahaa oo dal kale howl loogu dilay. qoryaha qaar ammaan malahan qaarna lamaba xiro oo dagaal ayaa mar walba naqabsan kara.

DUUL QARSOON annaga dadka waa dilnaa laakin dadka oo dhan ma dilno, waxaan dilnaa dad tilmaaman oo aan hada magacooda sheegi Karin, saa-howlagalkeena ayaaba qarsoodi ah laakin waxaan dilno waxaa xisaabta ku darsada kuwa wax dila ee nala midka ah ee magaca leh. Dadka inaan dilno waa shaqadeena laakin inta aan dilnay waxaa la ogaan doona marka inta wax disha ee la yaqaano, sida Shabab, AMISOM iyo Askarta dowlada inta ay dileen marka la xisaabiyo wixi soo hara ee xisaab ah innagaa dilnay.

Waxaan is weydiiyay dadka Soomaaliyeed waxaa la dilayay muddo badan waxaa dilka ku bilaabay dowladii kacaanka, saraakiishii rijiimkaasi qaar badan oo nool oo waliba la hayo amaro ay bixiyeen oo dadka lagu dilay cidi mahaysato waana xor. 

Waxaa dad badan dilay Jabhadihii dowlada riday ee SMN, SSDF,USC iyo kuwo kale oo badan, waa la ogyahay waana layaqaana saraakiishi dagaaladaasi hogaamineysay, walina cid haystana oo ay dad ka dileen lama arrag.

Dagaaladi sokeeyaha waxaa jooga rag magaalooyin iyo gobbolo dhan weeraray oo dad badan ku dilay, waliba dadka inta ay qabtaan qabiilkooda su’aala kadiba dilla. Qaarkood waaba madaxweynayaal, wasiiro , xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Anniga waxaan is weydiiyay hadiiba ragi dad badan aakhiro udiray aan cidi haysan koley Al shabab, xisbul islaam iyo wixi lamid ah kama duwana kuwi hore oo hadii ay dadka dhexgalaan cid tin dhufan kartaa majirto, xaq beeyna uleeyihiin inay faylka madaxda hada iyo kuwa mustaqbalka horay, dhexda iyo gadaal meeshey doonaan ka galaan.

------

Waxaa qoray Ayaanle Xuseen Cabdi
Oxford, United Kingdom
Email. ayaanle@live.co.uk 
__________________________________________________________
Xor baad u tahay inaad daabacdo adoon xuquuqda qoraalka waxba kabadallin.