Cadaalada Ilaahiga ah umad meel kuwada Nool marka ay ka tagaan waxaa Hubaal ah, in Umadaas ay dhex dabaalaneyso Hoog iyo Jahwareer aan xad laheyn. Waxyaabaha ugu badan ee Dunidan maanta aan ku noolnahay dadyowga ku nool Maamuladooda ay kaga cabanayaana waxaa kow ka ah Cadaalad daro dhinacyo badan leh oo ay dhedhemiyeen Shacbiweynaha ku kala nool meelo kala duwan oo Dunida ah. Inkastoo Cadaalad darada dallal badan oo Caalamka ah ay ka jirto, maanta misana Qaaradeenaan Afrika waxaa la oran karaa Cadaalad darida ka jirta waa mid aad u Xanuun badan, waxaana inta ugu badan Cadaalad darada ay ku dhacdaa Dadka Masaakiinta ah ee Bulshada ugu Nugul kuwaas oo lagu dulmiyo Xukunka, dhaqaalaha, Qabiilka iyo waxyaabo kale.
Dalkeena Somaliya markaan soo Qabsado waxaa Indheer garadka somalida ay isku Raacsan yahiin in waxa Jilbaha u dhigey Qarankii iyo Dawladahii soomaliyeed ee mudooyin kala duwan soo Talinayey iney kow ka aheyd Cadaalad daro xoog badan, oo la sameeyey Cadaalad daradaas oo ilaa Maanta weli ay dabada Hayaan Maamulada ka jira guud ahaan dhulka somalida ay degto.
Aqriste xaley Abaarahii 1.00 habeenimo Saacada Magaaladan aan Deganahay ee Washington DC ee dalka Mareykanka ayaa anigoo aqalkeyga jooga oo markaas shaqo ka soo baxey waxaa dhacdey in Nin weriye ah oo jooga Magaalada Muqdisho uu ii sheegey in Arin xanuun badan oo Cadaalad daro ah in lagu sameeyey mid ka mid ah Abwaanada Qaranka Somaliyeed kuwa ugu magaca dheer Abwaankaas oo lagu magacaabo Axmadey Abdi Gaashaan. Weriyahu waxuu ii sheegey in abwaan Gaashaan oo ku dhaawacmey Qaraxii Tiyaatarka ka dhacey mar sii horeysey waayahana ku jirey Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, la qorsheeyey in dibada loogu qaado Caafimaad ahaan hase yeeshee waxaa dhacdey ayuu igu yiri weriyahu in Booskii Abwaan Axmadey lagu bedeley si qabiilnimo ah gabar ay Qaraabo yahiin Agaasimaha TV-ga Qaranka ee DKMG Soomaaliya gabadhaas oo uu weriyahu ii sheegey ineysan qabin dhaawac dibada loogu qaado iyadoo abwaanka Somaliyeed Axmadey Cabdi Gaashaana looga tagey Cusbitaalkii uu ku jirey.
Hadaba walaalayaal waxey arintaas igu noqotey Cadaalad daradaas lagu sameeyey abwaan Gaashaan mid aad wadnaheyga u xanuujisey aanan filayo in qof kasta oo Cadaalada u hiiliya inuusan aqbali karin waxa lagu sameeyey Abwaankii Qaranka Soomaliyeed Axmadey Cabdi Gaashaan.
Waxaan qoraalkeygan gaaban ku soo koobayaa inta Soomaliya ay Cadaalada ka fogtahay oo dulmi lagu haayo dadka masaakiinta ah oo Qabiilka lagu gumeysanaayo, xukunka loogu awood sheeganaayo lagama yaabo in Nabad iyo Dawladnimo la helo koley Cadaalada Ilaahiga ah shaqadeedu wey qabsan insha alah.
Axmadeey waa abwaan Qaran,
Wabilaahi Tawfiiq.