src="http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js">

SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Aan Caadi aheyn la yeeshay Fanaan hore Sh Cabdillahi Sulfa

 

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somaliya MD Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa intuu ku Sugnaa Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Arabia Wuxuu Qasrigii uu Degenaa Ku Qaabiley Sheekh Cabdilahi Sulfa oo Ka Mid ahaan Jirey Hoboladii Caanka ahaa ee Qaranka Soomaaliyeed.

Sheekh Sulfa oo hadda ah Sheekh iyo Daaci si Weyn loogu yaqaan dalka Sacuudi Carabia wuxuu imaam ka yahay Masjidka Cabdilahi ibnu Cumar ee Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Arabia.

Sheekh Cabdilahi Sulfa oo in dhaweyd uu la soo darisey Xanuun dhanka Kalyaha ah ayaa u baahan in Maalin Dhaaf loogu dhaqo Kalyaha, wuxuu sidoo kale si deg-deg ah ugu baahanyahay in Kalyaha loo badalo.

Madaxweynaha JFS MD Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa ilaahay uga baryey Sheekha Caafimaad Deg-Deg ah Waxaanuu u Sheegay Sheekha inuu Kafaalo Qaadaayo Wixii ku baxaya Kharashka Dhaqista Kalyaha inta laga Gaadhayo Operationka/Camaliyada bedelista Kalyaha isla Markaana uu Gacan ka Geysanayo Wixii ku baxaya Operation-ka Ka Badalista Kalyaha.

Kulanka Waxa kaloo joogey ahaa Wasiirka Arimaha Dibada MD Yusuf Garaad Cumar iyo Danjiraha Somaliya ee Sacuudiga MD Daahir Maxamuud Geele.