src="http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js">

 



Tacsi. Waxaa dhawaan gobolka Virginia ee USA ku geeriyootay allaha u naxariistee Marxuumad  Caasho Mohamud Guleed oo ahayd xaaskii Danjire Dr. Abdullahi Ahmed Addow. Waxsy ahayd hooyo. Marwo Eeddo. Habaryar iyo Sodoh qaali ah.. Waxay kaalin wacan ka qaadatay horumarinta iyo ilaalinta dhaqanka Suubban ee Soomaaliyeed. Hooyo Caasho waa qofkii ugu horreysay ee diyaarisay buuqgii cunto kariska Soomaalida.waxaa ahayd Shakhsi aan ka daalin wax u qabashada bulshada. Halgankeedu wuxuu tixnaa laga soo bilaabo xilliyadii Dalkii ay joogtay ilaa Qurbahaba. Wax qabadkeedii halkan laguma soo koobi karo ee Allaha u naxariiso hooyo Caasho Mohamuud Guuleed qoyskeedii iyo Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo Aamiin.