src="http://pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js">

Yaabka Yaabkiis

 


Waxaa dhawaan magalada Shaariqa ee waddanka Imaaraadka Carabta ka bilowday ciyaaraha gabdhaha kubbadda kolayga waddamada carabta, Soomaaliya oo ka qayb gali lahaydna waxaa hor is taagay guddoomiyaha XSKK. Waxayna wax u dhaceen sidatan.

Bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan 2016 ayaa guddomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee Kubbadda Kolayga la ogeysiiyay in uu diyaariyo kooxdii Soomaaliya ooga qayb gali lahayd iyadoo wixii qarash ku bixi lahaana ay ballan qaadday gabar Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Imaaraadka oo magaceeda la yiraahdo Hana Mire Ilaahay ajir iyo xasanaad ha ka siiyee. Guddoomiyaha XSKK isla markiiba isaga oon ka fiirsan, lana tashan guddigiisa fulinta, macalimiinta iyo khuburada basketball ka Soomaaliyeed wuxuu kaligiis iska go'aansaday in Soomaaliya ayan ka qayb galeyn.

Guddiga Olambikada Soomaaliyeed oo arintaas ka war helay ayaa markiiba la xiriiray Cumar Baarajab oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga olambikada Soomaaliyeed isla markaana tababara koox ka mid ah kooxaha kubbadda kolayga ee waddanka Imaaraadka inuu waqti u hayo haddii ay suurta gal noqoto in la abaabulo koox ku ciyaarta magaca Soomaaliyeed. Cumar Baarajab oo ay aad ugu weyn tahay waddaniyadda ayaa si aan hakad la'aan ku ogolaaday inuu abaabuli doono isla markaana noqon doono tababaraha kooxda ku ciyaaraysa magaca Soomaaliya, waxaana ku wehelisa ku xigeenka tababaraha gabdhaha qaranka Soolaaliyeed Fartuu (Cali dheere).

Akhristow Cumar Baarajab haddaan wax yar kaaga sheego, wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii naadiga jeenyo LLPP sanadihii 1978 ilaa 1990. Wuxuu u ciyaaray qaranka Somaaliya sanadihii 1979 ilaa 1990, intii uu ciyaarayay wuxuu tababare u ahaa kooxdii gabdhaha ee jeeno LLP. Cumar wuxuu ku guuleystay shan koob oo horyaalk wiilsha ah iyo shan xagga gabdhaha oo uu tababare u ahaa. 1990kii ilaa iyo waqtigan xaadirkana wuxuu yahay tababare kubadda kolayga oo uu ku shaqaysto, wuxuu kaloo haystaa ogolaansho uu ku bixin karo shahaadooyinka tababarenimo ee FIBA, waxayna bahda kubadda kolayga isku racsan yihiin inuu yahay qofka ugu qibrqdda iyo aqoonta badan waqtigan xaadirka ah.

Abaabul deg deg ah ka dib waxaa suurta gashay in koox ku ciyaarta magaca Soomaliya laga kala keeno waddamada Canada, USA, Yurub iyo Somaaliya wallow kuwii Soomaaliya ka iman lahaa loo caga jugleeyay oo loo diiday inay ka qayb galaan ciyaarahaas. Gabadhihii markay gaareen Shaariqa UAE ayaa guddoomiyaha XSKK Cabduulaahi Nuur Maxamed (Caddaani) waxa uu warqad u qoray jaamacadda carabta wuxuuna u sheeegay in gabdhaha, Cumar Baarajab iyo wixii la socdaba aan loo ogolaan Karin inay magaca Soomaaliya matalaan (cajiib). Dood dheer oo uu Cumar la galay guddigii ciyaaraha qaban qaabinayay ka dib guddigi way garowsadeen cumar Baarajab dooddiisi waxaase la yaab noqotay in guddigi ku yiraahdaan Cumar waan kuu oglaanaynaa haddii aad caddayso gabdhaha aad waddo inay Soomali yihin (Yaabka Yaabkiisa).

 

      


 

Guddiga wax war ah oo ay ka hayeen meelaha gabdhaha laga soo kala ururiyay ma jirine tolow ma ku riyoodeen, ma loo waxyooday mase way iska maleeyeen?. Qof walboo caqli leh wuu iska garan karaa halka ay xagasha ka daacsan tahay.

Gabdhihii Soomaaliyeed eek a tagay iskuuladoodii, shaqooyinkoodii iyo danahoodii kale waxa ay ku sugan yihiin Shaariqa oo daawanayaan ciyaaraha ay qayrkood la ciyaari lahayeen calanka Soomaliyeedna k aba bin lahaayeen. Gabdhahaas Soomaaliyeed iyo kuwa waddamada kale ka yimi sow ma kala nasiib badna. Waxaa is weydiin leh yaa Soomalinimada bixiya? Ma jiraa qof fasax oolaansho loo siiyay?. Sidee ku dhacday in qof uu yiraahdo kan waa Soomaali, Kanna Soomaali ma aha.

Dowladda federaalka waxa looga fadhiyaa wallow ay fari ku mudan tahay oo rajada ay bahweynta isboortugu yar tahay haddana waxaa wanaagsan in laga war sugo tallaabada ay qaaddo taasoo lagu eedeyn karo ama lagu bogaadin karo. Waxaa laga sugayaa dowladda xil xayuubin deg deg ah iyo maxkamad in la soo saaro guddoomiyaha iyo haddii ay jirto cild kale oo ku lug yeelata.

Guud ahaan bahda isboortiga iyo umadda soomaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in qof walba wuxuu gaysto lagu abaal mariyo. Gabadhi bixisay qarashka gabdha amaan iyo bogaadin, Cumar Baarajab madaxaa ha raago,. Caddani maxkamad. Tani waxay ka hor tagaysaa mustaqbalka in ayan dhicin in qofna aanu samayn waxaan raali laga ahayn.